DHAGEYSO:-Dad shacab ah oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan iska horimaad u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan militariga Somalia oo ku dhexmaray deegaan u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Iska horimaadka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Xaaji Cali ee Degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo isugu jira rag iyo dumar ah ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen iska horimaadkaasi, halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ayaa waxaa la dhigay isbitaal ku yaala degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.