DAAWO:-Ergayga Midowga Yurub ee Somalia oo ku Guulaystay Khilaafkii ka taagnaa Somaliland, iyo Khudbadihii Muuse Biixi, Cirro iyo Faysal

0

Kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Somaliland, Hoggaamiyayaasha labada Xisbi  Mucaarid iyo Safiirka  Midowga Yurub ee Soomaaliya uu is afgarad ku soo dhamaaday,m Waxaana lagu heshiis laga gaadhay  Murankii ka taagnaa Doorashada.

Waxaa lagu heshiiyay in guddigii hore ay qabato doorashooyinka, iyadoo lagu darayo saddex xubnood oo beesha caalamka ah, Wuxuuna Heshiisku ka dhacay aqalka madaxtooyada Somaliland, Waxaana Heshiiskan kasoo Shaqeeyay oo ku guulaystay Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Wadahadalka ayaa markiisii hore Diirada lagu saaray Arimaha doorashada Somaliland ee Baarlamaanka, ka laabashada sameysashada Xisbiyo cusub iyo Guddiga doorashada Somaliland oo la isku mari waayay.

Waxaa la isku raacay in Guddiga doorashada ee hadda jira oo ay ka maqanyihiin wakiillada Mucaaridka uu korjoogteeyo doorashada Golaha degaanka iyo Baarlamaanka, In Muuse Biixi ka laabtay go’aankii furashada Axsaabta iyo in doorashada Baarlamaanka Somaliland la qabto dhamaadka sanadkan 2020ka.

Mudooyinkii ugu damebeeyay waxaa Somaliland ka taagnaa Khilaaf Ba’an oo ku saabsan Qabsoomida Doorashada Baarlamaanka, Waxaana Xaaladu Faraha kasii baxday markii dhowaan uu Muuse Biixi ku dhowaaqay inay Furidoonaan Xisbiyadda.

Waxaa Markii Heshiiska dhacay Madasha Hadalo ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi,  Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C.raxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.