Alshabaab oo War aan Farxad gelin Kenya ku dhowaaqday iyo Cali Dheere oo hadlay

0

Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalada aay ururkoodu kula jiraan Dawlada Kenya, Cali Dheere ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay xubnahooda weeraro filanwaa ah ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Kenya iyo xarumo kale oo isla gudaha Kenya ku yaal.

Afhayeenka Waxa uu sheegay in Kenya ay ku suggan-tahay xaalad rafasho ah, sidoo kale waxa uu xusay in dowladda Kenya ay cabsi iyo walaac baahsan ku abuureen.

Waxa uu xusay inay sii wadayaan weerarada ay ka gaystaan gudaha waddanka Kenya waxaana uu tilmaamay in loo aar-gudayo dhibaatooyin ay Kenya gaarsiisay shacabka NFD iyo kuwa kale oo ay ka gaysatay gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale Sida ay saxaafada Kenya baahisay Madaxweyne Ohuru ayaa la kulmay maamulka goboladda waqooyi Bari kenya iyo siyaasiyiinta ku jirta Baarlamaanka waxa uuna ku canaantay sida ay uga gaabiyeen la dagaalanka Alshabaab iyo sugidda Amnigga Gobolada Waqooyi Bari ee Kenya.