Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen deegaanka kadhada, hayeeshee ay weerar iska difaaceen Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugnaa.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ay Somaliland uga qabsadeen gaadiid dagaal, hub iyo 50 qof oo Maxaabiis ah.
Ugu dambeyntii Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u sheegtay in aysan Puntland Mas’uul ka noqon doonin wixii ka dhasha duulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday dhulkooda.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.