Magaalada Garoowe waxaa maanta ka markale ka furmaya dhageysiga labaad ee ragga loo heysto in ay kufsi iyo dil Magaalada Garoowe u geysteen Hodan Axmed Shanleyste oo ahayd Haweeney Xaamilo ah.
Dhageysiga Dacwadda Ragga gaaraya 7-ruux waxa uu bilawday 15-kii bishaan, waxaana lagu ballamay sabtidii todobaadkaan 21-ka Febaraayo, balse waxaa dib loogu dhigay dalab ka yimid Aabaha Hodan oo ka maqnaa Magaalada Garoowe.
Maxkamadda ayaa muddeysay in maanta oo Arbaco ah kuna beegan tahay 26-ka febaraayo 2020 in fadhiga Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal uu dhacayo, maadaama ay jirin waalidiinta labada dhinac oo ka maqan.
Kiiska kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Hodan waxa uu ka dhacay Magaalada Garoowe 11-kii april sanadkii tagay 2019, waxaana tan iyo xiligaas socday baaris lagu sameynayo Todobo ruux oo loosoo qabtay in ay ka dambeeyeen.
Dhageysiga 1-aad ee dacwadda ka dhanka ah raggaan ayaa horay u dhacday, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in kiiskaan oo qayb ka ah Xadgudubyada ka dhacay Deegaanada Puntland ay soo afjari doonto.