Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kadib safar uu ugaga maqnaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Axmed Meyre Makaraan guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh Nuuni, guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali,guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Sh/dhexe Fartun Aadan Xeefow iyo mas’uuliyiin kale.
Afhayeen maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdinaasir Maxamed Cali oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay booqashada guddoomiyaha gobolka uu ku tegey dalka Koofur Afrika iyo magaalada Muqdisho.
“Guddoomiyaha gobolka waxa uu ka qeybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay dalka Koofur Afrika,waxana uu ballanqaadyo ka helay hay’ado caalami ah inay ka shaqeynayaan horumarinta gobolka Sh/dhexe oo caan ku ah waxsoo saarka beeraha iyo xoolaha.”ayuu yiri afhayeen gobolka Sh/dhexe.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa magaalada Muqdisho kula soo kulmay hay’adaha gargaarka iyo bani’aadanimada isagoo kala hadlay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen hay’adahaas horumarinta gobolka Sh/dhexe.