Deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa wararka aan ka heleyno waxa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland uu halkaas ka socdo.
Dagaalka ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu bilaawday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Yubbe ee isla gobolka Sanaag ay weerar ku qaadeen deegaanka Hadaaftimo oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka amar qaata maamulka Puntland.
Dagaal culus ayaa ka qarxay gudaha deegaanka ay weerareen ciidamada Somaliland ee Hadaaftimo, waxayna dadka deegaanku soo sheegayaan in weli labada dhinac ay is weydaar sanayaan hub culus.
Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan, in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee ciidamada dagaalamaya, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha dhabta ah ee jira, maadaama dagaalku uu weli socdo.
Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa sidaan oo kale shalay ugu dagaalamay degmada Laasqoray ee isla gobolka Sanaag, waxaana jirta cabsi ku aadan saameynta dagaalada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan gobolada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.