Madaxweyne kuxigeeka maamulka Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe)ayaa waxaa uu ka hadlay in maamulka Hirshabelle ay diyaar u yihiin in ay doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo dalka.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxa uu Sheegay in maamulka Hirshabeele ay taageersan yihiin sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ay ansixiyeen, isla markaana uu saxiisay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hadalkan ayaa waxaa uu ka sheegay kadib markii uu ka qeyb galay kulanka wacye gelinta ee doorashooyinka qaranka, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.