Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo loo gudbiyay warbixin ku aadan ammaanka iyo doorashooyinka soomaaliya.

0

James Swan Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in  muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya.

“Sanadkan 2020, Soomaaliya waxay wajaheysaa tijaabo muhiim u ah horumarka dhismaheeda dowladeed, ayada qabaneysa doorasho taariikhi oo ah qof iyo cod,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu sheegay inay qasab tahay in lasii wado dhaqankii ay Soomaaliya caanka ku ahayd sanadihii hore  ee ahaa in awoodda si nabad-galyo ah loo wareejiyo.

“Sanadihii tagay Soomaaliya waxay aas-aastay diiwaan joogto, oo ah u wareejinta xukunka ee si nabad-galyo ah. Horumarkan ammaanta mudan waa la joogteeyaa 2020,” ayuu yiri James Swan.