DAAWO:-Garabyadii Jabhada SSC ee Nugaal iyo Howd oo u Midoobay dagaalka Somaliland

0

Cabdirashiid Xuseen iyo Faysal Falaalug oo kala Hogaaminayey labo Jabhadood oo ka jirey deegaanada Sool iyo Cayn ayaa si rasmiya u shaaciyay inay ku heshiiyeen dagaal ka dhan ah Somaliland, Waxayna  isku biiriyaan cududooda ciidan iyo hub.

Jabhadahan oo midkoodba dhinacooda isu  magacaabi jiray SSC, ayaa ku heshiiyay hal hogaan iyo hal ciidan oo kula dagaalamaan maamulka Muuse Biixi, Waxaana Shirar maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Buuhoodle, ayaa lagu soo af-jaray kala qeyb-sanaantii labada Jabhadooda, iyagoona hore uga mideysnaa dagaalka ka dhan ah Somaliland.

Labada Jabhadood ayaa si rasmiya ugu heshiiyay Nabadeynta iyo turxaan bixinta beelaha ay ka soo kala jeedaan, isla markaana ay meel adag uga soo wada jeestaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland.