Guddoomiye Najax oo sheegay in la xaliyay xiisadda ka taagneed Ceelasha biyaha

0

Guddoomiyaha gobalka shabeellahada hoose Ibrahim Aadan  Najax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay xaliyeen xiisaddii ka taagneyd deegaanka Ceelasha biyaha kaasi oo u dhaxeysay ciidamo milatiriga soomaaliya ka tirsan iyo illaalada guddoomiyaha deegaanka.

Gudoomiye najax ayaa hoosta ka xariiqay in door weyn ay ka qaateen odayaasha dhaqanka ee degan ceelasha biyaha xalinta xiisaddaan taagneyd maadaama ay ku bixiyeen dedaal dheere ah.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in looga fadhiyo labada dhinac ee khilaafka u dhaxeyay inay ilaaliyaan xalka la gaaray si loo bad baadiyo buu yiri dhiig cusub inuu daato.

Xiisaddaan ayaa ka bilaabatay kagadaal markii ay isku maandhaafeen ciidamo ka tirsan miltariga siimaaliya iyo ciidamo ilaalo u ah guddoomiyaha deegaanka gacan ku heynta amniga ceelasha biyaha maadaama miltariga ay sheegeen inay masuul ka yihiin shaqaalaha dhisaya wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye