Wariye Coldoon oo Xabsiga Mandheera Loo Gudbiyey, Isagoo Cuntadii ka Soomay

0

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhawaan maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xadhig ah, ayaa maanta laga saarey jeelka wayn ee Hargeysa oo uu ku xidhnaa, iyadoo loo baddalay dhanka Xabsiga Mandheera.

Coldoon ayaa sidoo kale la sheegay inuu Cuntadii ka Soomay, Sida lagu Baahiyey Boggiisa oo ay Maamulaan  dad ku dhow Tan iyo markii la xidhay.

“Abdilmalik Musa Coldoon ayaa si khasab ah lagu geyey jeelka Mandheera si halkaa ugu jidh dilaan . Intaa waxaa dheer inuu cuntadii ka soomay ,  Coldoon ilaahay ayaad leedahay, cidi kale kuuma maqna .” Ayaa lagu yidhi Qoraalka Boggiisa lagu baahiyey.

Dhowaan ayaa Maxkamadda Hargeisa waxay Xukun ku Riday Wariye Coldoon oo lagu eedeeyay inuu Ku gefay Madaxwaynaha Somaliland iyo Dugsiga Abaarso, waxaana Xiligaasi laga soo qabtay magaalada Burco.

Dad badan ayaa Cabdimaaliku dhaliilay inuu Qayb wayn ku lahaa Fududaynta Xadhigiisa, kadib markii uu Jigjiga kasoo Noqday, isagoo og in magaalada Burco lagu xidhi doono, Waxaana taasi dheerayd Xili uu ku sugnaa in Taliyaha ciidanku Warbaahinta ka sheegay inay hayaan Waaran Qabasho ah.