Taliyihii hore ee qeybta Koofur Bari dalka Ethiopia General Abraha Woldemariam ayaa ku geeriyooday dalka Thailand isagoo u dhintey cudurka Kansarka.
Generalkan ayaa ka mid ahaa generalo kooban oo uu dalacsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegne.
Hase yeeshee markii uu talada dalka Ethiopia la wareegay Abiy Ahmed ayuu noqday howlgab General Abraha.
Hore ayaa loogu eedeeyay generalkan inuu gacan ka geystey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada Ethiopia ka geystey dhulka Soomaalida ee Ethiopia.
Dadka wax dhaliila ayaa generalkan la xiriiriyay inuu aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia Abdi Iley oo haatan ku jira xabsig ku yaal magaalada Addis Ababa.
General Abraha Woldermariam ayaa waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada ururka TPLF kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladii uu madaxda ka ahaa Colonel Mengistu Hailemariam.