AKHRISO:-Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka hadlay Ujeedka ay leeyihiin 8 Xildhibaan oo maanta Cadaado tagey.

0

Xildhibaan Dr. Faarax Cabdi Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa qaab qoraal ah uga hadlay Ujeedada ay lahaayeen 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ah, kuwaasoo maanta gaarey magaalada Cadaado.

Warbaahinta Saadaalnews waxaa ay idiin soo gudbinaysaa qoraalkii uu Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan uga hadlay ujeedada Xildhibaanada maanta cadaado gaarey, kaasoo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN FAARAX

Xallinta khalkhalka Siyaasadeed ee maamulada xubnaha ka ah Federaalka waa howl u taal Aqalka sare sida ku cad Qod 71-aad ee dastuurka JFS oo caddeynaya in ay iyagu metelaan iyo xukumadda oo ah hay’adda fulinta waliiba wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Haddaba Siddeeda Xildhibaan oo saaka tegey Cadaado ilaahay uma xilqarin, waxay ku jiraan laba daran mid dooro:

1-inay taageero indho la’aan ah la garab istaagaan adeer Xaaf oo Xildhibaanadiisii kala noqdaan kalsoonida. Arrintaan waxay dhaxalsiin doontaa in iyaga iyo xildhibaanada GM kala dhintaan dib dambena aan loo wada shaqeyn.

Waxay dhib weyn iyo faragelin ku tahay madaxbanaanida siyaasadeed ee hay’adaha dastuuriga ah ee GM, waana hubaa inay adkaan doonto inay aqbalaan ree Gm oo ah dad aad u neceb faragelinta iyo xorriyad ka qaadista.

2-Inay isku dayaan inay xal dhexdhexaadin ah galaan. Arrintaan waxaa fashilin doona Xaaf oo la sheegay inuu xabsi guri geliyey madaxdii kale ee GM, isagoo waliiba warbaahinta ka sheegay inaysan talada GM la laheyn oo ay kaligiis ka go’do. Wuu diidi doonaa waana lagu sii kala fogaan doonaa.

Aadista Xildhibaanadan waxay ku habooneyd intaan lagu kala bixin arrinta.

Waxaan kula talinayaa saaxiibada Xildhibaanada tegey meeshaas inay ka taxadaraan tallaabada ay qaadayaan oo uga sii dari karta.
———————————————–
Guuleysta dadkeygow
Xildhibaan Dr. Faarax Cabdi Xasan