Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu furay baaris ku saabsan dad rayid ah oo ku dhintay 17-kii bishan weerar ay diyaaradaha Is-bahaysiga Maraykanka horkacayaa duqeeyeen deegaan ku yaal galbeedka Mosul oo dad badan oo shicib ah lagu dilay.
Saraakiil ka tirsan dawladda Ciraq ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay duqeyntaasi ay dishay shicib badan. Shacabka Mosul deganna waxay tirada ku sheegayaan ilaa 200 qof oo dhintay.
Duqeynta ayaa ahayd mid aan marnaba joogsan iyada oo Milateriga Ciraaq u dagaalamayaan siddii ay dib ugu qabsan lahaayeen galbeedka Mosul oo ay iminka gacanta ku hayaan maleeshiyada kooxda isku magacwday dowladda islaamka.
Ciidanka ayaa waxaa taageerayey diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga uu Maraykanku hoggaamiyo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyadu ay ku dhex milmeen dadka rayidka ah oo doonayaan in ay gaashaan ka dhigtaan.