Garoonka Caasimada Bulgium-ka ee la weeraray dhowaan oo maanta dib loo furayo

0

Mas’uuliyiinta dawlada Biljimka ayaa sheegay inay dib u farayaan maantagaroonka diyaaradaha magaalada Baraasalis oo ku xirmay weerarkii 22 bishii naga dhamaatay ee April ka dhacay.

War ay soo saareen guddiga maamula garoomadda diyaaradaha ayaa sheegay ingaroonka saaka dib loo furayo duulimaadyadiisana ay bilaabanayaan maanta galinka dambe sida warka lagu yiri.

Diyaarado laga leeyahay dalka Biljimka oo nooca yar yar ayaa xalay sitijaabo ah ugu degay garoonka Sevetem ee todobaad ka hor la weeraray.

Kooxda isku magacawday dawlada Islamka ee Daacish ayaa sheegatay weeraradii ka dhacay caasimada Biljimka ee  ay ku naf waaayeen 32 ruux halka boqolaal kalena ku dhaawacmeen.