Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ee Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Falalka Amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho aysan aheyn oo kaliya Al-shabaab,balse ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya.
Gen.Cali Gaab ayaa Xusay in ay jiraan Dad aan Shabaab aheyn oo ka dambeeya Amni Xumida Muqdisho,kuwaas oo Damacoodu yahay in ay Xil ku raadiyaan Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu Xusay in baaritaano lagu hayo islamarkaana haddii ay u soo gacan galaan Laamaha Amniga Talaabo laga qaadi doono.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in Hoobiyaashii lagu soo tuuray Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xaafadaha u dhaw 25-kii Bishii hore Tiro Dad ah loo soo qab qabtay,inkastoo aan warbaahinta loo soo bandhigin Dadkaasi Wasaaradu ay sheegtay in la soo qabtay waxa ka jira.
HALKAAN KA DHAGEYSO