Hurgumada sokeeye intay jirto,Hadimada shisheeyana way jirin?

0

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Waxaan ay qormadani si xikmadi ku jirto u darsi doontaa in inta ay jiraan hurgoomiyinka dhexyaal ummada Soomaliyeed, in aysan bulshada Soomalidu marnaba u taag heli doonin xakamaynta handadaada shisheeye.lana socoo hurgumooyinka ka dhex jira gudaha ummad Soomaliyeed waa kuwa u fududeeyey in shisheeyuhu si fudud uga fushada danihiisa guracan ee lidka ku ah qaranimada iyo jiritaanka ummaadeed.

Intay aynaan u gudo galin qormada waxay aan sharax fiican ka bixinayaa waa maxay hurgumo?. Erayga hurgumo waa erey facwayn oo isticmaalkiisuna xiligan uu yaraaday.
Hurgumo waa Meel hore u bugtay hoos ka caalirid, hadaba abwaan Cumar fakad oo tix kusoo qaatay ereyga hurgumo waxaa uu yiri;

War hudhudyahow intaad reer tolkay, hoos u kala qaybin
Amaad Reer Subeerka isku hurin, eed hurgumo baadhi.

Hadaba eragyga hurgumo waxa aynu ku soo koobi karnaa inuu yahay boog aan biskoon oo dhaawac ah.

Hadii aan usoo laabto ujeedada qormadu ay daarantahay,qormadani waxa ay daaha ka rogi doontaa caadkana ka qaadi doonto in hadii aan marka hore la daawayn hurgumooyin badan oo gudaha ummad Soomaliyeed dhexdooda yaal,in aan la maarayn Karin lagana hor tagi Karin hantaaqada iyo hadimada shisheeyuhu inoo soo maleegayo.waxaa kale oo xusi doono qaybaha iyo ay kala yihiin hurgumooyinkan loo baahan yahay in lala tacaalo si xal loogu helo in lagaga gaashaanto hadimada iyo hantaaq shisheeyaha.

Hurgumooyinka sookeeyaha ama Soomalid dhexdeeda ah waxaa kamid ah uguna horeeya qabyaalada,waana muhiim in lakala fahmo farqiga u dhexeeye qabiil iyo qabyaalad oo ay in badan bulshadu isku khaldaan,qabiilku waa dad isku abtirsiiyo ah oo dhiig ku walaaloobay, diintunu way boorisay ina riximka iyo qaraabada la xiriiriyo. Qabyaaladu waa in si khaldan loo turjumo qabiilka si ujeed gaar ah loogu isticmaalo sida in dad lagu dulmiyo ama dad lagu quursado,inta badan waxaa isticmaali dadka aan lahayn kartida qofnimo oo taag iyo tabar ka raadiya in ay gashtaan shaati wayn si waxa ay rabaan ugu gaaran , waana boogta ugu wayn ee laga soo weeraro Soomalida.

Diunta Islaamku waa ay xarimtay qabyaalada Nabi Maxamed (N.N.K.H) waxaa uu yiri ( دعوها فإنها منتنه ) oo macnaheedu yahay ka dheeraada waa uraysaaye.
Abwaanada Soomaliyeedna waxaa ay dadaal dheer u galeen in ay iyaguna murtida ku ceebeeyaan xumaha qabyaalada iyada oo murtimaal kasta u cabiray si ugaar u ah isaga.
Abwaan cabdilahi suldaan timacade waxaa u yiri;

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Qabyaaladu waa hurgumo dhextaal ummada Soomaliyeed oo runtii ah hal qabiil ,hal isir iyo hal qowmiyad, waa aafo camimtay dhamaan bulshada Soomaliyeed waana boog kamid ah boogaha shisheeyuhu inaga soo galaan ama ay i noogu soo dhiibaan awr kirayaal iyaga u ah gacan yara yaal si ay ugu kala dilaan ummad walaalaha ah ee Soomaliyeed ee dhaqan,diin,iyo dhalasho wadaaga ah.
Waxa kale oo iyana xusid mudan hurgumada labaad ee iyaduna leh wax yeeladeeda gaarka ah oo runtii iyana si la mid ah tan qabyalada usahasha shisheeyaha inay naga dhex fushadaan danahooda waa jahliga ama aqoon darada, Runtiii aqoon darida waxa ay sakhirtaa inaan si dhib yar ugu dhacno dabino na loo maleegayo oo ay suuro gal ahaan lahayd hadii aan cilmi lahaan lahayn inaan ka samata bixi lahayn.

Waxa ay murti oranaysay;

qorsha xumida waxa noogu wacan waa aqoon li,iye
qufulbaa ku jaban qoom haduu jaahil qaayibo.

Waxaa kale oon ka xusi karni hurgumada sookeeye,waa han jab ama han la,aan maansheeysay qalbigayada shacuubta soomaliyeed ,oo badi aamintay inaysan waxba ahayn ama waxa kusoo kordhin Karin calaamka awoodna aysan ulahayn in ay kaligood xaliltaan dhibahooda. Quursiga ay nafahooda quursanayaan Soomalida casrigan nool ma aha wax ab iyo isir ay u lahaan jireen ee waa ged cusub oo ay iyagu la soo beexeen,isku kalsooni la,anaantu waxa ay u loogaysaa in shisheeye rabay hagartooda ay iyagu u gacan haatiyaan iyaga oo maciin bidaya taas badalkeedana uu u gaysanayo dhib ka badan midii ay horay u qabeen.

Abwaan cabdilahi Hassan ganey waa kii lahaa;
Garashada ha wayteen
Gudashada ha waydeen
Haka guban tilmaamaha
Hana tirin garaadada
Hana tuurin guulaha
Hana moodin gaaladu
Inay kaa gu,u wayn tahoo
Hanka ha iska gowricin.

Kala qaybsanaanta iyo tafaraaruqa mujtamaca Soomaliyeed waxaa u fursad wayn siiyay shisheeyaha oo isagu sida aan horay usoo xusnay caado ay utahay wax yeelayanta ummadan walaalaha isago uu maraya habab kala jaad ah, waxaa si wayn xoogga uu u saaraa kala irdhaynta dadka isaga oo wax yeelo u arko in midowga bulshadu shaashayn karo danihiisa guracan..

Murtimaal Maxamed Muumin waa tii u lahaa;

Shinniduba itaal ma leh
Markay wada shaqaysana
Waataa malabka shiishee
Shixnadaha sameysee
Haamaha ku shubatee
Aadmigu shaxaadaan
Ummadaha shirkoobee
Xidigaha ku shirayana
Midnimeey shifeesteen.

Hurgoomiynka ummada soomaliyeed dhexdooda yaal ma aha wax aynu kusoo koobi karno hal faalo , runtii waa mowduuc u u baahan in laga qoro bugaagg loogana doodo fagaarayaal waawayn si loogu helo jawaabo badan oo ka maan galsan kuwa aan halkan anigu kusoo bandhigay.

Guntii iyo gabagadii waxaan jeclahay in qof walba oo Soomaliyeed aan dib u xasuusiyo in aysan suurto gal ahayn in cadowga shisheeye si sahlan aanan uga hoos bixi karin ilaa iyo inta aan gudaheena iska hagaajinayno,waa muhiim in si wacan loo darso daboolida gol daloolada aan kor kusoo xusay iyo kuwo kale oo badan oo anaan xusin.
Soomaliya Ha noolaato,Soomaaliya Guul…………………………………………………………………….

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )
Email: geeljire1900@gmail.com