Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayana in Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka qayb galin munaasabada furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, siyaasiyiin, ganacsato Soomaali ah iyo madax kale oo ka socota beesha caalamka ay ka qayb galeen munaasabada furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.
Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe,Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa dhamaantood maanta ka qabygali Munaasabada furitaanka garooka cusub ee magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maadoobe ay sabab u tahay inuu ka qaybgalin munaasabada furitaanka garoonka Boosaas, Axmed Madoobe ayaa waxa uu ogaaday in loo maleegay shirqool lagu manja xaabinayo shirka 10-ka Janaayo ka furmi lahaa magaalada Kismaayo iyadoo la doonayay markuu Axmed Madoobe soo gaaro magaalada Boosaaso in lagu yiraahdo Boosaaso ayaa Madaxdii oo dhan wada joogaan ee iminkaba halagu qabto shirka Boosaaso.
Axmed Madoobe ayaa markii ay soo gaartay xogtaas waxa uu go’aansaday inuu ka qayb galin Munaasabada Furitaanka Garoonka Boosaaso islamarkaana uu tago magaalada Cadaado dibna ugu laabto magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ku qanacsaneen in dhameystirka heshiiski Gaalkacyo iyo shirkii ka furmi lahaa magaalada Kismaayo la afganbiyo oo shirka laga furo magaalada Boosaaso, waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu aad u taageersan yahay fkirka ah in deegaan wax lagu qaybsado waxa uuna si aad iyo aad ah uga soo horjeedaa in wax lagu qaybsan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh wado ee 4.5.
Halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay sabab u tahay inuusan ka qayb galin munaasabada furitaanka garoonka Boosaaso isagoo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, haddana soo gaaray magaalada Nairobi iyo colaad siyaasadeed oo ba’an oo isaga iyo Puntland ka dhex taagan.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdiga Xildhibaanada ah safar ku tageen magaalada Dhuusamareeb oo la doonayay in lagu fashilanayo shirka 10-ka Janaayo ka furmi lahaa magaalada Kismaayo iyo sidii loo taageeri lahaa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna, islamarkaana looga taqalusi lahaa gabi ahaan Maamulka Galmudug iyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed maadaama uu ka horyimid qorshihii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh u sameeystay Galmudugta cusub ee ahaa in wax lagu qaybsado nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 , halka Cabdikariin Xuseen Guuleed uu uu ku caasiyay hogaamiyihiisa ruuxiga ahaa Xasan Sheekh taageerayna in wax lagu qaybsado amaba awood qaybsiga lagu saleeyo deegaanada.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in madaxda Soomaalida maalinba maalinta ka dambeysa ay xaalada dalka kusii ridayaan god mugdi ah oo sababi kara in dalka ay ka qarxaan dagaalo isbahaeysiyo iyo beeleedyo faraha looga gubtay oo hor leh ama in guud ahaan dalka oo dhan uu ka baxo gacan Soomaaliyeed oo ay maamulaan dowladdo shisheeye ah.