Wararka galabta naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay beri subax ku kulmayaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay beri galinka hore kulmayaan garooonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ay ka wada hadli doonaan arimo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagnaa dhawaanahan labada maamul iyo shirka dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa iminka ku sugan magaalada Kismaayo halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu saacado ka hor soo gaaray magaalada Nairobi isagoo kasoo kicitimay dalka Imaaraadka.