TOOS U DHAGEYSO: Wasiirul Dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Magaalada Cadaado Lagu Weeraray.

0

Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug State ayaa waxaa laga maqlay rasaas xoogan oo lala beegsaday madax katirsan maamulka Galmudug State.

Ciidamo kusugnaa meel banaanka ka ah magaalada ayaa rasaas la beegsaday Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug iyo Abwaan Daahir Shidane.

Dhaawac ayaa weerarkaas kasoo gaaray labadan masuul iyadoo isbitaalka loola cararay, hase ahaatee xili danbe ayay isbitaalka kasoo baxeen sida uu sheegay Abwaan Daahir Shidane.

Waxaa uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsa tahay, isla markaan ay rasaasta lagu weeraray ay ahayd mid aan ku tala gal ahayn.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media