XOG: Khilaaf Ka Dhex Aloosan Ciidamada Itoobiya Iyo Kenya Ee Kuwada Sugan Magaalada Kismaayo.

0

Wararka saaka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad iyo khilaaf adag uu ka dhex taagan yahay ciidanka ethiopia iyo kuwa kenya ee kuwada sugan magaalada kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in  Ciidamada Itoobiyaanka ah oo tiradooda lagu qiyaasay 400 oo Askari ay iminka ku suganyihiin Kismaayo, wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena u dhuun daloola Arimaha Ciidamada ayaa waxa ay sheegayaan in Khilaafka ciidamadaasi ka dhex aloosan laga dareemaayo Magaalada gudaheeda.

Khilaafkani Ayaa salka ku haya sida la sheegayo Hanaanka loo qeybsanaayo awooda AMISOM ee Kismaayo ku sugan, iyadoo horay kenyanka ay toos isaga maamulanayeen garoonka Iyo Dekadda Kismaayo, Ayaa Ciidamada itoobiya waxay sheegeen ineysan yeeleyn in Kenya ay iska maamulato Ilaha dhaqaalaha Degmada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiyaanka ah Ayaa fariisimo ka sameystay Dekada Iyo garoonka Kismaayo halkaasi oo ay horay Kenya kaligeed u daganeyd, waxaana culeys dhinacaasi ka dareemay Ciidamada Kenya.

Isku soo wada duuboo Dhaqaalaha badan ee kasoo baxa Dekada Iyo airport ka Kismaayo Ayaa waxaa ku loolamaya awoodahani shisheeye ee halkaasi ku wada sugan waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay sheegayaan in itoobiyaanka la dhaqanka Soomaalida ay kaga firfircoonyihiin kenyanka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media