Wararka saaka naga soo gaaraya Soomaalida ku nool dalka Denmark gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dadka Soomaalida ah ay si wadajir ah uga kaceen Qidmada boqolkiiba 7% ee ay soo rogeen wakiilada Xawaalada Denmark.
Waxgaradka iyo Dhalinyarada wax ku baratay dalkaasi Denmark ayaa xalay yeeshay kullan ay ku lafa gurayeen buuqan ka taagan Qidmada cusub iyo sidii looga hortagi lahaa wakiilada Xawaaladaha soo rogay in qofkii u diraya Soomaaliya lacag laga qaado qidmad dhan $7 doolar boqolkiiba, oo lagu daray $2 doolar oo ah sarifka ah oo aysan jirin meel kale oo caalamka ah oo laga qaado taas oo ka dhigan in qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu Soomaaliya u diro boqol doolar uu baxsho boqol iyo sagaal doolar ($109).
Go’aankan ay gaareen Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee Denmark ayaa arinta layaabka leh waxa ay tahay in Denmark kaliya uu quseeyo go’aankan oo aysan dalalka kale la qabin dhibaatadan sida dalalka dariska la ah Dalkaasi ee Sweden ,Norwey iyo wadamada kale ee caalamka.
Adeega dirista Xawaaladaha ee dalalka kale oo dhan ayaa waxaa laga qaadaa dadka Soomaaliyeed Qidmad ah $ 5 dollar boqolkiiba, halka dadka Soomaaliyeed ee dagan dalka Denmark ay wakiilada xawaaladaha ka qaadayaan $ 7 dollar boqolkiiba oo lagu daray $ 2 dollar oo lagu sheegay sarifka.
Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa waxa ay ogol yihiin kuna qanacsan yihiin oo qura sida Soomaalida kale ee caalamka ku nool inay baxshaan Qidmada $ 5 dollar boqolkiiba ah, waxii intaasi ka badana waxa ay aaminsan yihiin inay tahay xaaraan iyo dhac bareer ah oo lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Denmark, waqtigana uu samirkii dadka ka dhamaaday.
Waxgaradka iyo Dhalinyaradan kullanka xalay yeeshay ayaa waxa ay go’aansadeen si buuxdana isugu raaceen haddii aysan Mulkiileyaasha iyo Wakiilada Xawaaladaha ka laaban go’aankan Qidmada ay uga dhigeen $7 dollar Boqolokiiba islamarkaana bataatanba meesha aysan ka saarin $ 2 dollar ee ay ku sheegaan inay tahay sarifka in dibedbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Xawaaladaha ka dhigayaan caasimada dalka Denmark ee Copenhagen.
Wakiilada Xawaaladaha waa weyn ee Denmark ayaa iskood u gaaray go’aankaan iyagoo aan siin wax digniin ah ama wargalin ah macaamisha ku xirneed Xawaaladahaasi, waxa ayna arintan kusoo beegeen xili ay bisha dhamaatay ayna inta badan dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool lacago biilal ah u diraan eheladooda oo Soomaaliya iyo meelo kale kunool.
Dhinaca kale Wakiilada qaar ka mid ah ayaa aaminsan in Qidmada la kordhiyay ay tahay xaaraan, dadkana aysan awoodin, balse waxba ay ka qaban karin maadaama go’aankan ay gaareen Mas’uuliyiinta fadhiya Dubai iyo Wakiilada xafiisyada waa weyn ee xawaaldaha ee Copenhagen, ilaa haddana ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta fadhiya Dubai iyoWakiilada Xawaaladaha waa weyn ee Soomaalida ee go’aankan qaatay.
Isku soo wada duuboo buuqan u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed ee dagan dalka Denmark iyo Wakiilada Xawaaladaha ee ka bilowday Qidmada $7 boqolkiiba waxaa suuragal ah haddii ay sii socdaan oo aysan Mulkiilayaasha iyo Wakiilada Xawaaladaha wax ka qaban in ay dhacaan in dacwado loo gudbiyo hay’adaha dowladda Denmark ee ay quseeyaan arrimaha noocan oo kale ah.