WARBIXIN+SAWIRRO : Yaa U maqan Isbadalka Weyn ee Baardheere Oo Xiran ?

0

Kulan aad mihiim u ah oo looga hadlayay sidii dibu-dhis loogu sameyn lahaa Isbitaalka weyn ee magaalada Baardheere ayaa ka dhacay magaalada Birmingham ee Waddankaan United Kingdom.

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey Urur Samafaleedka Shankaron Foundation ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah Jaaliyadda Qurba joogta ah ee reer Birmingham, kuwaasoo deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

Waxaa ugu horeyntiiba Aayado Quraanka Kariimka ah wacdi diini ah oo wada socda Kulanka ku furey Sheekh Xasan Maxamed Xayle oo kamid ah Culummaa’uddiinka reer Birminham.

Waxaa Sheekh Xasan Maxamed Xayle Wacdigiisa diiniga ah uu ku xusey oo Jaaliyadda ugu baaqey in hawsha dhismaha Isbitaalka ah ay tahay Hawl Samal ah oo Bulshada waxtar u leh, isla markaana Illaahey hortiisa uu qof walba ku kasban karo ajar iyo xasanaad.

Xuseen Aadan Warsame oo ku hadlayay magaca Ururka Shankaron Foundation ee kulankaas martigeliyey ayaa hadalka furey, kaasoo halkaas ku soo bandhigey talooyin dhaxalgal ah oo ku wajahan qaabka ugu macquulsan ee dibu-dhis loogu sameyn lahaa Isbitaalka Baardheere oo uu haatan ka muuqdo burbur aad u xooggan.

Waxaa dhammaan Jaaliyaddii kulankaan ka qayb gashey ay isku wada raaceen oo qalinka ku duugeen in gebi ahaanba dibu dhis lagu sameeyo Isbitaalka Baardheere oo aad u burbursan, kaasoo xataa aaney macquul ahayn in la dayactiro.

Waxaa sidoo kale kulankaas la isku raacey in dhaqaalaha lagu dayactirayo uu ka yimaado Jaaliyadda reer Gedo iyo Galgaduud iyo cid kasta oo dooneysa in ay ka qayb qaadato hawshaan samafalka ah.

Ma’ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo dhammaan Jaaliyaddii kulankaan ka hadashey iyo wixii ay yiraahdeen, hase yeeshee dadkii kulankaan ka hadley waxaa kamid ahaa:-

1). Xuseen Aadan Warsame

2). Sheekh Xasan Maxamed Xayle

3). Maxamed Daahir Xirsi (Dhudi)

4). Maxamed Xuseen Xirsi

5). Cabdullaahi Muuse Tareey ( Faratoon)

6). Maxamed Gaaciye Shide

7). Cali Sheekh Axmed (Cali-taar)

8). Axmed Cismaan Garaad ( Aay-jeex)

9). Faarax Cabdi Geelle

10). Jeelle Axmed Xuseen

11). Cabdullaahi Cabdi Aadan

12). Cabdishakuur Cismaan Garaad

13). Cabdullaahi Cabdi Shire ( Luga-fallaar)

14). Maxamed Cabdi Shire (Luga-fallaar)

15). Yuusuf Aadan Cismaan

16). Cabdirsaaq Maxamed Aadan (Can-jeex)

17). Axmed Gaaciye Shide

19). Maxamed Garruun Diiriye

20). Baarliin Cismaan Ugaas

21). Dahabo Cismaan Garaad

22). Cadar Daahir Mataan

23). Sucdi Cabdullaahi Ugaas (Bacle)

24). Cadar Axmed Yuusuf

25). Xabiibo Cumar Cabdulle ( Yareey)

26). Sacdiyo Aadan Warsame

DAAWO SAWIRADDA ISBITALKA :

1 2 4 j 3

 

Daahir. F. Afdheere

Email. Owsame1@yahoo.com

Birmingham, United Kingdom