WAREYSI GAAR AH:- Garaad C/qaadir Axmed Xirsi ” Wakiilada Xawaaladaha Denmark Waxay naga qaadaan Qidmad Boqolkiiba 9 dollar ah Waana dhibaato “..

0

Bilooyin ka hor ayay ahayd markii Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlagala dalka Denmark ay ku wargaliyeen dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay lacag u dirsadaan Soomaliya iyo dalalka kale inay bixinayaa qidmad dhan boqolkiiba lix doolar.

Waxaa mar labaad haddana Wakiilada Xawaaladaha ka howlgala dalka Denmark kullan qarsoodi ah oo ay si gaar ah u yeesheen ayay ku go’aansadeen in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Denmark ee doonaya inay lacag u dirsadaan dalka Soomaaliya inay bixinayaan Qidmad dhan Boqolkiiba todoba doolar (7%).

Qidmadan cusub 7% iyo labada doolar ee sarifka ee markii leysku daro noqonaysa 9% (Sagaal boqolkiiba) ayaa waxaa maanta qaadayay dhamaan Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalka Denmark, taas oo dadka ay ka muujiyeen caro aad u xoogan maadaama xarumaha ama wakiilada kale ee Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalalka kale ee aan ay Qidmad ahaan dadka wax ka dirsanaya uga qaadin 9% (Sagaal Boqolkiiba).

Aqoonyahanada, Waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Dalka Denmark waxay ka soo horjeesteen arintaasi isla markaana ay sheegeen in aysan macquul ahayn.

Garaad C/qaadir Axmed Xirsi oo ka mid ah Garaadyada ku nool Dalka Denmark oo la soo xiriiray ka dibna Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhibaatada ay ku qabaanarrintaan.

Garaad C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan raali ka ahayn in la dhibaateeyo Soomaalida ku nool Dalka Denmark ee doonaya iney dadkooda Sooomaaliya joogo wax usoo dirsadaan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Garaadka:-

garaad