FADEEXAD: Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida Ee Denmark Oo Maanta Qidmad Boqolkiiba Todoba (7%) Kusoo Rogay Dadka Soomaaliyeed Ee Lacagaha Ka Dirsanaya.

0

Dhoor bilood ka hor ayay ahayd markii Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlagala dalka Denmark ay ku wargaliyeen dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay lacag u dirsadaan Soomaliya iyo dalalka kale inay bixinayaa qidmad dhan boqolkiiba lix doolar.

Waxaa mar labaad haddana maanta wakiilada Xawaaladaha ka howlgala dalka Denmark kullan qarsoodi ah oo ay si gaar ah u yeesheen ayay ku go’aansadeen in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Denmark ee doonaya inay lacag u dirsadaan dalka Soomaaliya inay bixinayaan Qidmad dhan Boqolkiiba todoba doolar (7%).

Dhoowr bilood ka hor ayaa waxa ay u sheegeen Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalka Denmark dadka Soomaaliyeed ee wax ka dirsada in Qidmada ay bixinayaan ay tahay Boqolkiiba Lix doolar, haddana maanata ayay waxa ay u sheegeen dadka Soomaalida in Qidmada ay tahay Boqolkiiba Todoba doolar, intaasna waxaa sii dheer lacag ay dadka ka qaadaan oo ay ku sheegaan Wakiilada Xawaaladaha inay tahay isbadalka sarifka oo dhan Laba doolar, taas oo ka dhigeysa qofkii Soomaali ah ee doonaya inuu Xawaaladaha ka howgala dalka Denmark ka dirsado Boqol Doolar ($100) inuu baxsho $100 + $7 Qidmada + $2 Sarifka = $109, arrinkan ayaa waxaa aad uga carooday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark waxa aya u arkaan dhac bareer ah.

Qidmadan cusub 7% iyo labada doolar ee sarifka ee markii leysku daro noqonaysa 9% (Sagaal boqolkiiba) ayaa waxaa maanta qaadayay dhamaan Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalka Denmark, taas oo dadka ay ka muujiyeen caro aad u xoogan maadaama xarumaha ama wakiilada kale ee Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalalka kale ee aan ay Qidmad ahaan dadka wax ka dirsanaya uga qaadin 9% (Sagaal Boqolkiiba).

Waxaa sanado badan jiray dareen cabasho ah oo aad u xoogan oo ay muujinayeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark ee wax ku dirsada Xawaaladaha ugana soo horjeedeen lacagahan Qidmada ay uga qaadayaan Wakiilada Xawaaladaha ka howlgala dalka Denmark.

Ilo wareed si hoose ugu waramay Allgalgaduud Media ayaa waxa uu inoo sheegay in Qidamadan cusub ee Boqolkiiba Todobada in Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala dalka Denmark ay uga dan leeyihiin dacwado ku socdo iyo qaar laga xiray xisaabihi uga furnaa Bangiyada qaar oo ay doonayaan inay garyaqaano ku qabsadaan si ay isaga difaacaan dacwadahaas uga imaanaya dhanka dowladda, balse ma aysan eegin mana dareensana culeyska ay ku yeelanayso bulshada Soomaaliyeed ee lacagaha uga dirsada dadka saboolka ah ee ku nool Soomaaliya.

Haddii la oran lahaa Madaxda iyo Xarumaha waa weyn ee Xawaaladaha Soomaalida ee magaalada Dubai dhacdadan waxba kama ay oga, waxaa ay go’aankan isla qaatay iyaga iyo wakiilada Xawaaladaha ee ka howlgala dalka Denmark, waxaana cadeyn u ah markaad eegto Aalada lagu qoro lacagaha la dirayo ee Xawaaladaha waxaa lagu soo jaangooyay halka QIDMADA  7%, Taas oo meessha ka saarey shakiga ah Madaxda iyo Xarumaha waa weyn ee Xawaaladaha Soomaalida ee magaalada Dubai waxba kama oga, waa dhac bareer ah oo heshiis lagu yahay.

Dhinaca kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark waxay baaq u dirayaan Dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya, Mulkiileyaasha, Madaxda Xawaaladaha Soomaalida inay si deg deg ah usoo faragaliyaan waxna uga qabtaan boobkan Qaawan ee lagu dhacayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark, waxaa sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark baaq ay u dirayaan Idaacadaha iyo Tv-yada ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo caalmkaba inay kala qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa dhaca bareerka ah ee loo geesanayo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark.

Isku soo wada duuboo waxaa iminka socda olole ay wadaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee magaalooyinka ay ka dagan yihiin dalka Denmark oo looga hortagayo dhacan bareerka ah ee aan lahayn gabashada ee loo geesanayo dadka masaakiinta ah ee quudiya ama lacagaha u dirsada dadka eheladooda ah ee baahan ee ku nool Soomaaliya, waxaa sidoo kale dhawaan Soomaalida ku nool dalka Denmark ay ka hadli doonaan idaacadaha iyo TV-yada Soomaalida.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media