Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay goordhow kasoo dagee ku dhawaad 250 askari oo ka socda Dalka Itoobiya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgallada ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.
Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa waxaa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland.
Dhinaca kale wararka waxay sheegayaan in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah la keeni dooni magaalada Kismaayo todobaadkan gudihiisa.
Isku soo wada duuboo Maalin kahor ayay ahayd markii magaalada Kismaayo ay soo gaareen saraakiil ka socotay ciidamada Itoobiya, kuwoo oo qiimeyn ku sameeynayay goobihii la dejin lahaa ciidamada maanta yimid.