XOG: Mooshinka Cusub Ma Bad baadin Karayaa Xasan Sheekh?

0

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa si adag uga hadlay Mooshinka cusub ee dhawaan loo gudbiyay Gudoonka sare ee BFS kaasi oo uu sheegay in lagu difaacaayo Madaxweyne Xasan.

Xildhibaan Axmed Aabi ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka garabka Mooshinka kaga soo horjeeda Xassan Sheekh ay yihiin kuwo dhan waliba ka cuskaday sharciga dalka islamarkaana ay kalsooni buuxa ku qabaan in Mooshinkooda uu ku bixi doono Xassan Sheekh.

Xildhibaan Aabi waxa uu sheegay in waxa ay iyagu wadaan aan u ahayn Mooshin ee uu yahay soo jeedin wuxuu ugu yeeray, waxa una ku macneeyay in ay dalbanayaan oo kaliya inuu Madaxweynuhu iscasilo, balse Xassan uu soo jeedinta ka qalqalay.

Sidoo kale, Mooshinka ka dhanka ah kooda, oo wax laga weydiiyay, ayuu sheegay in ay xildhibaanada wada Mooshinka lagu difaacaayo Xassan Sheekh aysan tiro ahaan u dhigmeynin kuwa garabkooda kasoo horjeeda Madaxweynaha.

Isku soo wada duuboo Xildhibaan Aabi waxa uu sheegay in iminka Mooshinkooda uu yahay mid maraayo meel wanaagsan oo ay ku qanacsan yihiin, waxa uuna farta ku goday inuu aaminsan yahay in Maxkamada sare ee dalka Mooshinkaasi ay meel marin doonto.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media