Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay inuu xaq daro yahay mooshinka ay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ka keeneen Madaxweynaha DF Soomaaliya.
“Go’aanka ay xildhibaanada gaareen danaha qaranka ayay hoos udhigeysaa”ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.
Axmed Diiriye ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh oo kasoo jeeda beelaha Daarood ay ka danbeeyaan mooshinka sida uu hadalka udhigay.
Lama oga saameynta uu yeelan doono hadalka Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali.
Isku soo wada duuboo Nabadoon Axmed Diiriye ayaa horey waxa uu uga hadli jirin Mooshinadi la Keeni jiray, waxaana hadda leeys weydiinayaa waxa ka hadliyay iyadoo weliba dadka badankii ay aaminsan yihiin in Nabadoonka Qayladiisa ay tahay Qabyaalad Qaawan oo aan qarsooneen.