Maamulka La magac baxay Galmudug oo ku magacaaban Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ayaa Maleeshiyaad lixaad leh waxa uu soo dhigay deegaanada Mareergur iyo Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadkan, ayaa waxaa dareen ka muujisay Maamulka Ahlu Sunna, waxayna Ahlu Sunna ugu baaqday Galmudug inay joojiso xiisad ay sheegtay inay ka hurinayso Gobolkaasi.
Madaxa Warbaahinta ee Maamulka Ahlu Sunna, Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula), ayaa sheegay Ciidankan inay yihiin kuwo Magaalada Muqdisho looga keenay Maamulka Cadaado, sida uu yiri.
Dowladda Federalka Somaliya iyo Galmudug, ayaa wuxuu si xoogan uu ugu eedeeyay inay colaado ka abuurayaan Gobolada Dhexe, wixiise dhibaato ah ee arrintaasi keento, ayuu sheegay in wax laga weydiin doono Galmudug iyo cida gadaal ka soo riixaysa.
Muxudiin Cali Jimcaale, ayaa ku waramaaya Gobolka Galgaduud inay maanta ka jirto xasilooni ay ku naaloonayan shacabka degan, wuxuuse ka digay in dadkaasi barakac loo horseedo.
Jakuula, ayaa meesha ka saaray in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay Maamulka Galmudug. Wax la yiraahdo Galmudug waxaa ugu dambeysay buu yiri xilligii Cabdi Qaybdiid.
Isku soo wada duuboo Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxaa la galiyay eegan buuxa, waxaana laga yaabaa in dagaalo faraha looga gubtay ay dhexmaraan Marya Calasta Galmudug iyo Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuuna Waljamaaca oo sida muuqata gacanta ku soo dhigi doona magaalada Cadaado ee noqotay xarunta colaada ka dhanka ah Ahlusunna laga soo abaabulo.