Dhageyso: Afhayeenka Golaha Nabada Iyo Midnimada Jubooyinka ” Cabdiweli Sheekh Axmed Waxa Uu Xalkii Kismaayo Ka Dhigay Mid DAAROOD U Dhexeeya, Waana Qalad Weyn” .

0

Muqdisho (AGGM): Maalinkasta warar cusub ayaa kasoo baxaya sida uu Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed u wajahay arrimaha siyaasada Jubbooyinka iyo dib u hishiisiinta. Waxaana eedeynta inteeda badan ka imaaneysaa golaha uu hoggaamiyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladii hore ee Soomaaliya Col, Barre Hiiraale.

Salaad oo ah afhayeenka golaha nabada iyo midnimada Jubbooyinka ayaa waxaa uu ku sheegay Ra’iisul wasaare Abdiweli nin nidaam qabyaaladeed u wajahay arrinta Jubbooyinka, taasi oo ka dhigtay socdaalkiisa mid fashilmay.

“Ra’iisul wasaare Abdiweli inuu Soomaali oo dhan madax u yahay waa uu ilaaway oo sheekadii Jubbooyinka waxa uu ka dhigay mid lagu hishiisiinayo qabiilka DAAROOD. Waana mid xaqiiqada ka fog, dad badana tustay inuu Ra’iisul wasaaraha qabyaaladii 23 sano ka hor dalka la hartay inuu hadda un bilaabay” ayuu yiri afhayeenka golaha nabada iyo midnimada.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Col, Barre Hiiraale uu muujiyey go’aan garasho iyo biseyl siyaasadeed ka muuqata, maadaama uu madax u yahay gole aya ku jiraan dhamaan shacabka wada deggan goboladaasi oo aan hal qabiil aheyn.

“Barre Hiiraale nabad-diid ma ahan ee waa nabad-doon laakiin ma aqbalayo wado aan sax aheyn in xalka laga raadiyo. Sida ka muuqatay odayaasha iyo dadkii Goobweyn ugu tagay waa uu usoo tilmaamay meesha ay tahay in xalka laga raadiyo” ayuu yiri afhayeenka gobolaha uu Barre Hiiraale hoggaamiyo.

Wareysiga u u afhayeenka siiyey warbaahinta ayaa waxaa uu ku weeraray Maxbuub iyo Affeey oo uu ku sheegay inay IGAD taladeeda ka dhigeen mid qabyaaladeed oo ay Axmed Madoobe ugu sedburinayaan.

“Maxbuub iyo Affeey waa rag qabiil danihiis wada. Waxaana nidaam qabyaaladeed oo cad ula safan yihiin Axmed Madoobe oo ay isku reer yihiin. Waxa ay wadaana kama socon doonaan gobollada Jubbooyinka. Wixii iska dhaaranaya waa ay iska dhaaran karaan, laakiin waa xaggee meesha ay dhaartaasi ka shaqeyneyso?”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com