Muqdisho(AGGM):Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada Tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xerdii Ciidamada Milatariga ee 77,oo ku dhagan Kuliyadii Jaale Siyaad.
Ciidamada ayaa isku haysta Cidii Maamuli lahayd Xerada 77 ee Magaalada Muqdisho,waxaana dagaalka uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah.
Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday Labo Ruux,waxaana jira dhaawacoyo kale
Dagaalka ayaa Waxaa ka qeyb qaadanay Gaadiidka dagaalka oo ay Labada dhina ay wataan,waxaana Dagaalka uu Saameen ku yeeshay Wadad Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Wali dagaalka si Goos goos ah,ayuu u socdaa,mana jirto Cid ku howlan kala dhexgalka Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee maanta Magaalada Muqdisho ku dagaalamay.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka
Audio PlayerIsha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com