Wargeys kasoo baxa dalka Turkiga oo la yiraahdo Al-Sabaax oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka Turkish ah ayaa waxaa uu ku waramayaa in 2 ruux oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay xarun cusub oo loo dhisayo safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Warkaan waxaan lagu sheegay in madfaca oo aan illaa iyo hadda la garan halka laga soo riday uu ku dul dhacay qeyb uu yaalay qalab safaaradda dhismaheeda loogu talo galay halkaasoo labada ruux ee dhaawacmay ay ku nasanayeen sida warka lagu yiri.
Wargayska warkaan qoray waxaa uu xusay in labada ruux ee dhaawacantay oo ka tirsan safaaradda Turkigu Soomaaliya ku leeyahay ay qabaan dhaawacyo cul culus.
Willi safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku taala mas’uuliyiinteeda kama aysan hadlin warkaan uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay madaafiic ku riday goobtaan ay wax ka dhaceen.
Turkiga oo ka mid ah dawladaha dib u dhiska ka wada dalka ayaa horey mar loo weeraray dhismo ay shaqaalahoodu Muqdisho ka dagan yihiin.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com