Gaalkacyo(AGGM):Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta kala Diray Golahii Waseerada Maamulka Galmudug.
War Qoraal ah oo ka soo Baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu kala Diray wasiiradii iyo kuxigeenadii Maamulka Galmudug.
Waxaa la sheegay in kala Dirka Wasiirada uu Salka ku hayo Habacsanaan Dhanka Shaqada ah oo la sheegay in wasiirada ay Xilkii Gudan waayeen.
Qeybdiid ayaa sheegay in Sodon Bari Gudo hood uu ku soo Magacaabi Doono wasiiro Cusub oo ay Bulshada Galmudug ku kal soon tahay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka
Audio PlayerIsha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com