Garoowe(AGGM):Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Eng Cabdi xakiin Cabdulaahi Camey oo manta Saxaafada kula hadlay magaalada garoowe Ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu ka hadlay Muran Dhawaanahaanba u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Somaliland kaas oo salka ku hayay Degaano ku yaala bariga Gobolka sanaag oo Labada maamul Dhinacba si gaar ah u sheeganayo in uu maamulo.
En camey ayaa Waxaa uu ku Celiyay hadal maalmo ka hor ka soo baxay Wasiirka amniga Puntland oo uu ku Eedeyay Maamulka Somaliland in uu Taageero siiyo Al Shabaabka ka Dagaalama Buuraha Galgala Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Cadeymo Rasmi ah ay u hayaan in Somaliland iyo al shabaab uu Xiriir ka dhaxeeyo Burco iyo Goobo kale ayuu sheegay in lagu Taba baro Shabaabka. Beesha Caalamka ayuuna ku dhaliilay in iyada oo og ay ka Aamusan tahay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha