Hargeysa(AGGM) Mid ka mid ah Golaha Gurtidda Somaliland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Indho Indho isla markaasna ah nin inta badan u gacan haadiya Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaq ciidan oo maalmahan u dhexeyey ciidamada Maamuladda Soomaaliyeed ee Puntland & Somaliland,waxaana uu digniin iyo hanjabaad u jeediyey Maamulka Puntland.
Cabdulqaadir Indho Indho oo la sheegay inuu ka soo jeedo degaanada Khaatumo ayaa ku goodiyey in ciidamada Somaliland Caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe u jiraan 40 Km waxaana uu sheegay inay ciidamadaasi awood u leeyihiin inay gacanta ku soo dhigaan Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali.
Sidoo kale waxaa uu eedeyn dusha uga tuurey Madaxweynaha Maamulka Soomaali Galbeed ee Kilinka 5-aad isagoo sheegay inuu gacan ku siinayo in Mamulka Puntland weeraraan degaanada Somaliland ee uu ku tilmaamay goboladda Khaatumo,waxaana uu sheegay in Maamulka Kilinka 5-aad aysan lahayn Ogadeen balse ay degaan qoomiyado badan oo soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa uu Indho indho aflagaado iyo cambaareyn u jeediyey Madaxda Maamulka Puntland isagoo sheegay inay dhibaato ka wadaan degaanada Sool,Sanaag & Cayn,waxanaa uu sidoo kale baaq u direy Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland isagoo ugu baaqay inuu ka qayb qaato nabadeynta Degaanada Buhoodle Iyo Coodane.
Halkan Ka Dhageyso:
Audio PlayerIsha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com