Dhageyso: Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Sheegay Inay Baarayaan Cidii Ka Dambeeysay Dilka Odoyaasha.

0

Buurhakaba (AGGM):Waxaa socda baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dil wadareed loo geystay Odayaal kasoo tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay una soo socday Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Odayaashaan la dilay ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 8-Oday kuwaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Baydhabo, waxaana ay la socdeen gaari nooca Soomaalida u taqaan Noohada,iyadoo rag hubaysan ay kala dageen gaariga kadibna ay dileen.

Xuseen Maankaaloow oo ah Guddoomiye kuxigeenka Degmada Buurhakaba ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, wuxuu usheegay inay hada wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Odayaashaasi.

Waxa ay qaarkood ku socdeen Deegaanka NO.50 Afgooye, Marka ilaa Qoryooleey oo dhamaan kawada tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Deegaanka falka uu ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Jameecada, waxaana ay ku dhawdahay Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay, iyadoo meydadka Odayaashaasi xalay la dhigay Degmada Buurhakabo oo lagu haaye, markii xalay maqribkii laga soo qaaday goobtii lagu dilay.

Falkaan ayaa ah mid naxdin badan, iyadoo tani ay muujinayso in ammaanka wadada Baydhabo iyo Shabeelaha hoose isku xirta aysan aheyn mid wanaagsan oo aan la isku haleyn Karin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com