Puntland Uma Baahna Ciidamo Shisheeye Ayadaa Isku Filan.W/Q.Abdirazak Abdulle Ali

0

Salaamullaahi Calaikum Waraxmatuhu Wabarakaatuhu,Waan salaamay dhamaan ummada Soomaaliyed ee islaamka ah gaar ahaan dadka dhulka uduga ah ee wanaagga,midnimada,hormarka iyo walaatimidaba jecel laguna yaqaanowaxaan rabbi inoo kaga baryayaa in uu inoo siyaadiyo barwaaqada uu Rabbi SWT ina ku galadaystay waana ugu Shugriyaynaa.

Intaas kagadaal waxaan doonayaa in aan qoraal kooban ooga hadlo warar maalmaaan warbaahintu isla dhexmaraysay ee ahaa in uu mudane madaxwayne Gaaaas codsaday in puntland loo soo diro ciidan xoojiya maadaama uu jiro culays ugasoo wajahan dhinaca alshaab oo ayadu dhib wayn kuhaya dadka somaliyed una diidan in ay hormar gaaraan ayna helaan dawlad kasaarta dhibka xanunka badan ee taabtay.

Waxaa xaqiiqa ah mudane Gaaas in uu yahay aqoonyahan somaliyed lagu dhalay guri Soomaaliyeed kulana soo barbaariyay guri Soomaaliyeed ayna wax soo bartay dawlad somaliyed oo wadaniayd ah jecelna in ay difaacdo diinta,dadka iyo dalkba.

Damiirkiisu masiin karo in uu yiraahdo waxaan ubaahanhay ciidamo shisheeye ee ilaaliya amniga deegaanda puntland waana wax iska cad in uu yahay been abuur cad oo aan car ismarin ama aan geed loogu soo gaban loogana jeeday in ay niyad jabana ciidanka somaliyed puntland haybada,sharafta,wadaniyada iyo midnimada somaliyaba lagu yaqaan.

Shulka uduga ah ee somaliyed (puntland) wuxuu leeyahay ciidamo aad ufara badan oo difaaca sharafta dadka ay uxirteen tuutaha oo ay ugu dhaarteen magaca eebbe swt ee qaaliga ah mana kasuurtooyto ama maba looga baqayo in uu cadowgu uuusoo galo dhulka uduga ah oo uu waxyeeleeyo shacabka somaliyed ee kulaanooda amni iyo iimaan ayna harsadaan harka ciidanka qalabka sida ee daraawiish.

Mudane Gaaas waxaa lagu doortay dhul somaliyed waxaana ilaalinayay marka ladoorayay ciidan somaliyed oo ahlusalaad ah laguna kalsoonaa in ay sugayaan amniga musharixiinta iyo madaxii kale ee lagu casumayba waxa ay aad ulayaabeen dadka somaliyed iyo waliba caalamka oo dhan sida gudiga amniga doorashooyinku ay uwadeen oo ay usugayeen amniga goobta allaah swt ha abaal mariyee uu hormuudka u ahaa general saciid dheere oo ah halyey somaliye dnaftiisana usoo huray dadka somaliyed.

Waa wax ay kaxishoodaan dadka dhulka uduga ah in ay ugacan haadiyaan meelo kale oo ay maciinbadaan ciidamo kale mana ay aaminsana in ay nabad ukeeni karaan haidi aysna ayagu isku tahsan oo aysan dantooda,iyo mustaqbalkaba aysan kafakarin

Dadka udhulka uduga ah kunool waa dad xadaariyiin ah oo wlaigood ahan jiray hogaamiyayaal gayiga somalida gaasna awood uma leh ama kasurtowdo in uu kudhiirado falkaas foosha xun ee laga dhiidhiyo lana fogaado ee ah in uu ugacan haatiyo ciidan shihseeye aan islama ahayn xaashaa lillaah xaal qaado Gaaas

Hadalkii maantay kuhadlay mudane gaas wuxuu daliil uyahay wanaaga iyo wada tashiga kadhexeeye dadka dhulka uduga ah madax iyo majaba (dawlad iyo shacabba)way ka go antahay midnmada soamliya iyo mida ayaga dhexdoodaba ah,wixii dawladu ay samaynayso waxaa talada wax laga siinayaa shacbiga waayo ma ahan kaligi taliyayaal waxaana taas daliil u ah madaxda dhulka uduga ah waxay siiyeen shacbiga maalin walba oo khamiis ah in ay usoo gudbiyaan wixii talo iyo tusaalaba ah maashaa llaah allaah ha iidin siyaadiyo hana idin kukaalmeeyo xaqa iyo xilkaba

Abdirazak Abdulle Ali ismaacil PUNTLANDER SOMALIAN AH

makkah saudi Aarbia
Abursame@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com