MAQAAL: Xamar lagaama Xigo (Inqaasta Yusuf-Garaad) Qeybtii 1-aad

0

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, waana magaaladeyda aan ku dhashay oo ay xuddunteydu ku aasan tahay. Waxaa hadda aad loo hadal hayaa in la magacaabi doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada. Waxaa socda loollan ka dhexeeya shakhsiyaad iyo weliba qabaa’il ka wada tirsan mid ka mid ah shanta beelood ee Soomaalidu wax ku qeybsatay.

Waxaa hubaal ah in haddii aan ku scone sidii aan hadda ka hor ku soconnay in aan lagu gaari doonin Qarannimo. Marka haddaan dooneyno in Qaran Soomaaliyeed aan helno, waa lama huraan in sidaan hore ugu soconnay aan wax ka beddelno.

Waxaan ku gurya noqonayaa magaalada aan ka soo jeedo iyo dadweynaha deggan, gaar ahaanna beelweynta caasimadda is lahaysiisay, iskuna filleysiisay ee marna Koofur iyo Woqooyi u qeybsatay, marna isu furtay afarta beelood ee kalena iska xijisa magaalada. Inkasta oo ay qeyb ahaan duruufuhu keeneen waxaan rabaa in aan taa dood geliyo.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Intii aan dagaalku dhicin waxay ahayd magaalada dalka ugu bilicsan. Waxay ahayd magaalada ugu fursadaha badan.

Waxay ahayd magaalada ugu Iskuullo badan, Jaamacadda kaliya ee Soomaaliya waxay ku taallay Muqdisho.

Waxay ahayd magaalada ugu ilbaxsan dalka oo aan la is fara gashan.

Waxay ahayd magaalo aqoonyahanka iyo kan aan waxbaran, hantiilaha iyo saboolka, gabadha xijaabka wadata iyo tan goonnada gashan, wadaadka iyo midka aan diintu billowneyn, Soomaalida iyo ajnebigu ay si nabad ah u dhex mushaaxaan ugana xoogsadaan.

Cid ma jirin faraha la gasha cid kale. Waxay ahayd magaalo lagu daydo oo ay magaalooyinka kale ee dalku ay higsadaan.

Waxay ahayd magaalada ugu daaraha dhaadheer, ugu suuqyada waaweyn, ugu jidadka waasacsan, ugu jidadka dhaadheer, ugu laamiya badan, inkasta oo ay labaatameeyo uun ahaayeen waxay ahaayeen kuwo ka toosan kuwa caasimada kale oo badan.

Waxaa Muqdisho ku yaallay Garoommo waaweyn oo tartan Sport oo caalami ah lagu qabto.
Waxay ahayd magaalada ugu warshado badan.

Waxaa ku yaallay Warshadda Daawada, Warshadda Baastada, Saliidda, Maacuunta, Sigaarka, Bacrinta, tan Badarka Shiidda, Warshadda Rinjiga, Midda Saqafka, Warshadda Nannaca, Warshadda Galalka, tan Qalmaanta iyo Warshadda Sifeynta Batroolka iyo qaar kale.

La soco qormada labaad oo aan uga jawaabi doono su’aasha ah – Yaa Muqdisho horumarka gaarsiiyay?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com