Muqdisho (AGGM): Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs).
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee wasaarada ayaa lagu sheegay in Xafiiska Waaxda Qurba joogta uu isku xiri doono qurba joogta, hey’adaha dowladda iyo ganacsatada.
Xafiiskan ayaa ka qeyb qaadan doona sidii loo fududeyn lahaa maalgashiga dalka, isla markaana iskaashi iyo wada shaqeyn ay u dhex marto dhamaan dhinacyada uu quseeyo Xafiiska.
Dadka qurbaha ka imaanaya ee dalka dib ugu soo laabanaya ayaa la yimid fikrado ganacsi oo ay dalka ka hirgeliyeen, iyagoo Ganacsi kala duwan ka hirgeliyay magaalada Muqdisho, sida maqaayado, Hotelo iyo dukaamo ganacsi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com