Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada BaledXaawo.

0

Breaking-NewsBaledxaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in hadda xaalada magaalada dagan tahay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib dagaaladi maanta ka dhacay magaalada Baledxaawo ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Dhimashada ayaa waxaa la cadeeyay in ay tahay 3 Ruux halka dhaawacana naloogu sheegay inay tahay 2 Ruux.

Waxaa dagaalka maanta ku geeriyooday allaha u naxariistee wiil da’ayar oo rayid ah da’adiisuna ahayd 17 jir oo dhiganayay fasalka koowaad ee dugsiga sare oo magaciisa naloogu sheegay Zakariye Muun.

Sidoo kale waxaa dagaalkan maanta ku geriiyoday laba kamid ahaa maleeshiyada taabacsaneed Gudoomiyaha degmada Doolow oo mid ka mid ah magaciisa naloogu sheegay Cabdi Xasan Dhurwaa (Cabdi Boon), halka aysan inoo suuragalin inana helno magaca ninka kale ee isna ku geeriyooday dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Dhinaca Ciidamada Ahluslunna Waljamaaca ayaa haba yaraato’e aysan soo gaarin wax dhimasho amaba dhaawac ah.

Maleeshiyada taabacsan gudoomiyaha degmada Doolow ayaa waxa ay ku laabteen fariisintooda oo ku taalay halka lagu magacaabo Buulo Amiin oo ah duleedka magaalada Baledxaawo.

Isku soo wada duuboo waxaa dagan iminka xaalada magaalada Baledxaawo, waloow aan la ogeeyn beri sida ay noqon doonto.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com