Maxamed Yuusuf “Waxaan Saacadaha Soo Socda Ku Xiri Doonaa Isgooysyada Magaalada Muqdisho Samaafarayaal”.

0

afhayeenka-gobolka-BanaadirMuqdisho (AGGM): Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in waqtiyada Soo socda uu wadooyinka magaalada Muqdisho gelin doono qalabka Samaafaraha ah, afhayeen maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dadaal ugu jiro sidii uu usoo celin lahaa belecdii iyo qorodii ay lahayd magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir oo dadaal xooggan ugu jiro sidii uu dib ugu soo celin lahaa adeegyadii aas aasiga ahaa ee magaalada Muqdisho,Afhayeenka ayaa sheeegay in maamulku uu ku howlan yahay sidii uu u soo celin lahaa qalabka Samaafaraha kaasi oo loogu tala galay in lagu kala hago gaadiidka iyo Shacabka.

maxamed yuusuf ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijaabo laga qaaaday qalabka samaafaraha kuwaas oo ku shaqayn doona ilayska cadceeda wuxuuna sheeciyay in saacadaha soo socda lagu xiri doono dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda dalka,

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa ka codsaday wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ay ciidanka dowladda Soomaaliya wataan inay si xushmad leh u ilaaliyaan amarada kasoo baxaya qalabka Samaafaraha, afhayeenka ayaa sheegay in qalabkan Samaafaraha ah uu ka qayb qaadan doono bilic soo celinta magaaladda Muqdisho.

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa meesha ka baxay Adeegyadii aas aasiga ahaa ee uu dalku lahaa,balse mudooyinkii dambe ayaa waxaa si tartiib tartiib ah u soo laabanayay qaar ka mid ah adeegyadii uu dalku lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com