Buuhodle (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa Waxa ay sheegayaan in Maanta uu ka Dhacay magaaladaasi dibadbax aad u balaaran oo lagu taageerayey Shirwaynaha Khaatumo 3 ee Ka Furmay Magaalada Taleex.
Dibadbaxan ayaa Waxaa khudbado ka jeediyey Mas’uuliyiin, Cuqaal, Culumaa’udiin iyo dhamaan qeeybaha kale ee dadka ku nool magaalada Buuhoodle, Dibabadbaxan ayay waxay fariin Adag ugu direen Maamulka Faroole ee Duulaanka ku Ah Bulshada Reer Khaatumo horumarkooda, Nabadooda iyo Masiirkoodaba.
Khidbahadaha halkaasi laga jeediyey ayaa waxa ay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo Turjumayay dareenka bulshoweynta reer Khaatumo.
Isku soo wada duuboo waxaa dibadbaxaan khudbadihi laga jeediyay ugu cad cadaa “In aan nabad lagu fadhin doonin Magaalada garoowe”, Hadii aan fara gelinta Qaawan laga dayn Bulshada & Maamulka reer Khaatumo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com