Dhageyso: Saraakisha Dawlada Ee Baladxaawo Oo Digniin U Diray Maleeshiyaad Ku Sugan Duleedka Baladxaawo

0

ciidamada-dowladaKismaayo(AGGM) Saraakisha ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya isla markaasna ku sugan gobolka Gedo ayaa digniin kama dambeys ah u direy Ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Maleeshiyaadka Raaskambooni oo la sheegay inay ka yimaaden degmada Doolow oo ah meel laga taageersan yahay Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Saraakisha dawlada Federaalka ah ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa Degmada Baladxaawo ayaa daboolka ka qaaday inay jiraan maleeshiyaad laga soo direy degmada Doolow oo tiro yar isla markaasna ku sugan yihiin banaanka Magaalada oo ay dhigteen isbaaro,waxaana ay saraakishu sheegeen inay awood u leeyihiin inay kooxdaas halkaasi ka cariyaan balse isla markaasna ay amar ka sugayaa taliska ciidamada dawlada ee gobolka Gedo ee ku yaala Garbahaaray.

Sarkaalkan waxaa uu daboolka ka qaaday in kooxda laga soo direy dhinaca  Doolow ay yihiin kuwo ka shidaal qaata Gudoomiyaha degmada Doolow Cabdirashiid Janan oo xiriir dhaw la leh Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida itoobiya ee Cabdi Iley isla markaasna uu ka soo dhaadhiciyey inay tageeraan Maamulka Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna dhaqaale lagu siiyey.

Degmada Doolow ee xadka la leh Itoobiya ayaa la sheegayaa inay tahay meel xirir wanagsan la leh Cabdi Iley isla markaasna uu dhaqaale bil kasta siiyo Cabdirashiid Janan & kooxdan kale oo la socota,waxaana la sheegayaa in Cabdirashiid Janan uu si toos ah u tageersan Yahay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna calanki Raaskambooni laga taagay doolow.

Ugu dambeyntii Sarkaalkan waxaa uu daboolka ka qaaday inay talaabo lama ilaawaan ah ka qaadi doonaan kooxdan waxaana uu shaaciyey inay sugayaan amar ka yimaada taliska Ciidamada dawlada ee Garbahaaray,waxaana uu sheegay hadii mar amar kaasi soo baxo ay gacanta ku soo dhigi doonaan dhamaan maleeshiyaadkaasi la soo qalday.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Wareysi-Maxamuud-ibraahim-salad-fara-dheere-Taliyaha-Saldhiga-B-xaawo-14-10-2013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”][ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Wareysi-Maxamuud-ibraahim-salad-fara-dheere-Taliyaha-Saldhiga-B-xaawo-14-10-2013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com