Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Ay Diyaariyeen Qorshihii Lagula Wareegi Lahaa Magaalada Baraawe.

0

Fiqi11Muqdisho (AGGM): Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin duulaano ay ku qaadaan Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hose oo ay dhawaan weerar ku qadeen ciidamo ka tirsan kumaandooska dalka Mareykanka.

”Waxaan qorsheyneynaa in Al-shabaab laga saaro degmada Baraawe oo gobolka Shabeellaha hoose oo ah degmo istiraatiji ah, wixii loogu diyaar garoobi lahaa howl- galkaasi waa noo dhan yihiin” ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Al Shabaab ay horay uga soo sifeeyeen magaalooyin dhowr ah oo uu ka carabaabay Muqdisho iyo Marka ayna dhameystiri doonaan Howl gallada lagu wiiqayo Awooda Ururka Al Shabaab.

Warka ka soo yeeray wasiirrka gaashaandhiga  ayaa imaanaya Xilli dhawaan dowladaha waaweyn ee caalamka qaarkood ay shaaciyeen in howlgal ay ku gacan siinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameynayaan Gudaha dalka Soomaaliya Gaar ahaan meel ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com