Wasiir Daahir Camuud “ Markii Ummaddu Dagaalamaysay Faysal Wuxuu ahaa kii Gaanigii Gacanta Kululaa U Basaasi Jiray”

0

c.daahir-camuud1Hargeysa(AGGM)Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga Somaliland, Md.Cabdi Daahir Camuud, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe oo waraysi uu siiyay xalay TV-ga Universal Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inaanu daacad ka ahayn gooni isu taaga Somaliland.

Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa waxa uu ka taariikheeyay shakhsiyadda Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay inuu ka mid ahaa basaasiintii Gaanigii gacanta kululaa ee Dawladii Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Md. Cabdi Daahir oo ka hadlayay eedaha uu u jeediyay Faysal waxa uu yidhi “Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka mid ahaa markii dadkii reer Somaliland dagaalamayeen isagu wuxuu ahaa kii basaasayay halka Axmed maxamed Siilaanyana ahaa dadkii dalkan xoreeyay ee qaybta libaax ka qaatay halkaana awooda ku lahaa halkana manta uu hogaamiye ka yahay. Faysal mayka la eego waxa u ku dhurmayay warbaahinta waxay ahayd qabyaalad cadaana oo uu sheeganayo inuu yahay nin laandheere ah, waxaasina waa wax aan dadka loo sheegi jirin,” ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu ummada u sheegaynaa in dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay wax badan qabatay waxa ay qabatay waa u miuuqda idhaaha caafimad qaba haday noqoto darajada ciidamada, haday arrimaha debada tahay, waxay bedeshay laagihii sida Burco iyo Ceerigabo iyo waxyaabo badan halkan aan kusoo koobi Karin”.

“Faysal waa ma gudbe, waxa uu kamid yahay madasha ma gud-beyaasha siyaasada inuu uu xisbigiisii ka cararay waa fulaynimo,”.ayuu yidhi Cabdi Daahir Cammuud.

“Xisbigaagu muu soo baxeen haddii aan rag aan ogahay ku caawinin afka ayaad dhulka dari lahayd, ragaasi ku caawiyay (platform) meesha u banee, Faysal Cali Waraabe waxaanu haynaa intaas oo cadaymood oo uu Soomaliya kula xidhiidhayo waano sooo bandhigi doonaa dhawaan marka uu tago dibada cida uu dirto iyo cida uu la sheekaysto waa cid koonfur ku xidhan, waxaan umada u soo jeedinayaa inaanay dhagaysan hadalada naxliga xiqdiga ah islamarkaana ay nabadgalyadooda ilaashadaan,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenku.

Wasiir ku xigeebka gaashandhiga Somaliland, Md.Cabdi Daahir Camuud ayaa imanaya ka dib markii dhaliilo u jeediyay gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali xukuumada uu gadhwadeenka yahay madaxweyne Siilaanyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com