Garbahaarey (AGGM): Shirkii beesha oo bilawday 05/09/2013 loogana wada tashanayey arimo gaar ah oo ku saabsan qilaaf sababy bur bur baahay oo gaaray in xiitaa lagu kalatago aqriskii diinka Reer Ugaas Guuleed iyo xaaladaha magaha isla bixin iyo isla qaadasho.
Sidaas darteed waxaa uu ku saabsanaa shirku sida qilaafka ku jiro beesha dhexdeeda loo saari lahaa ama loo xalin lahaa.
Qilaafkaas waxaa asal u ahaa Nabadoonki beesha oo horay asaga oo u gudoominayo beesha 25/07/2011 caleema saaray Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar kuna dhisay xarunta gobolka Gedo ee dagmada Garbahaarey, kadibna si wada tashila’aan ah kaligii wax ka dhisay Ugaas labaad tariikhdu markayed 02/02/2012, asaga oo aan ku tagin wax wax tashi ah kala yeelan beesha uu nabadoonka u ahaa, taasoo keentay kala tag ku timid beesha dhexdeeda, kadib waxaa loo diray ergo odayaal ah wuuna ku gacansayray odayaashii u tagay.
Kadib wadatashi dheer oo dhaxmaray beesha dibad iyo gudaba waxaa lagu heshiiyay in shir la isugu yimaado September 01/ 2013 xarunta goboka Gedo Garbahaarey
Kadib waxaa la isugu yimid shirkii lagu baaqay wuxuuna ka furmay Garbahaarey 05 bisha September 2013, ayadoo maskaxda lagu hayo wixii uu sameeyay nabadoonka ayaa lagu casuumay in uu gudoomiyo shirka waxna aan loo raacan wixii uu sameeyay oo dhan, markaas dabadeed ayuu bilaabay khilaaf iyo bur bur horleh iyo kala qaybin beesha dhexdeeda ah,asaga oo isaga baxay shirkii uu gudoominayay oo socdo .
Kadib waxaa loo hakiyay shirki waxaana loo diray waxgarad kala duwan tira ka 4 jeer ,wuxuu si cad ugu gacanseeray ergadi kala duwanayd ee u tagtay marar kala duwan isagoo ugu danbaynti si cad u yiri (wakaa duubkiinii) si caro ku jirto.
Sidaas awgeed waxaa shirka si kumeelgaar ah u gudoomiyay odaygii noogu da`da waynaa Maxmed Guure Balow sidaasuuna ku sii socday oo lama hakin, wada tashi dheer kadib waxaa lagu heshiiyay qodobadaan hoos ku qoran.
1- In xilkii uu iska dhigay Nabadoonkii hore Xassan Jaamac Jaad laga qaado.
2- In si ku meelgaar ah loogu magacaabay 3 oday oo sii wada taladii beesha oo kala ah, Ibraahin C/laahi Jaamac Jaad shir gudoon Deeqow Shiikh Aadan Guure xubin C/waaxid Faarax Muuse xubin
3- Waxaa cidkasta oo ay khuseyso u sheegaynaa in ay talada cida kala xiriiraan 3 daas oday ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin.
Fiiro Gaar Ah: odayaashaas 3 da ah waxay hawshaas sii wadayaan inta laga dooranaayo nabadoon reer Ugaas Guuleed ee cusub kaasoo ay beeshu katashato dibad iyo gudaba si looga wada qayb qaato nabadoonka ladooranayo iyo wakhtiga ay ku haboontahay doorashadaas..
Dhinaca Kale waxaa warsaxaafadeedkan ku liifaaqnaa warqadan.
Wadatashigii u socday beesha intii u dhaxaysay 05/09/2013 ilaa 06/10/2013 falanqayn iyo wadatashi dheer ,oo ku saabsanaa qilaafkii Ugaaskii Beesha Sade, lugna ay ku lahaayeen beesha Rer Ugaas Guuleed ayaa wuxuu kusoo dhamaaday wadatashi iyo is afgarad waxaana ka soo baxay warmurtiyeedkaan .
Markii uu alaha u naxariistee ugaas Cumar Ugaas Xirsi ku geeriyooday isbitaal ku yaala Nayrobi Kenya 09/06/2011 laguna aasay Deegaankii uu daganaa ee Bamba Xaliimo ee Gobolka Gedo , waxay beesha reer Ugaas Guuleed isugu timid tacsi iyo wada tashi dheer, kadibna waxay isla gaareen in si qilaaf la’aan ah curadkii Ugaas Cumar Ugaas Xirsi loo doorto Ugaasnimada beesha Sado wuxuuna ahaa curadku Maxed Ugaas Cumar, ayadoo beesha reer Ugaas guuleed ay isku raaceen dibad iyo gudaba ayaa la aaday akhris ay cidu lahaan jirtay oo lagu qabto markasto Tuulada Maracade ee degma Garbahaarey .
Waxaa lawada ogyahay in 14 bishii July 2011 lagu qaaday Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Tuulada Maracade,ayna doorteen dadweyne aan kala soocnayn oo akhris quraan u fadhiyay tuulada.
18/July/ 2011 waxay beesha reer Ugaas Guuleed u soo gudbisay beesha reer ugaas sharmaarke Ugaas Max’ed Ugaas Cumar si buuxda ayey isugu raaceen, kadib waxay beesha reer Ugaas Sharmaarke oo aan qilaaf lahayn sidii la arki jiray toos ugu soo gudbiyeen beesha Bahxawaadle bishi july 20/2011 si buuxda ayey isugu raacday beesha Bahxawaadle una aqbashay ugasnimada Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.
Isla july 22/2011 waxay beesha Bahxawaale ugu gudbisay beesha reer Faarax Ugaas, kadibna beesha reer Faarax Ugaas waxay gogol caleemasaarka Ugaaska ugu yeeren beesha Sade iyo beelaha ladagan gobolka oo uu gudoominayey siihaya ugaaska beesha Sade Max’ed Xassan Yarow oo sida shariciga dhaqanka uu ahaa hadii ugaasku geeriyoodo waxaa xilka sii haya ku xigeenkiisa oo ahaa Nabadoon Max’ed Xassan Yarow asaka ayaana shirka gudoomiyay kuna wareejiyay Ugaaska Cusub Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.
Hadaba waxaan beesha Sade u sheegaynaa in aan isku soo raacnay kuna heshiinay Ugaaskii aan fagaarah keenay bishii july 25/2011ee ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi , anagoo arintaas waafajinay shareecada Islaamka islamarkaana aanan dhisayn hada Ugaas kale..
Ergada shirka ka soo qaygashay oo wakiilka ka ahayd beesha waxay ahayeen 30 xubnood oo kali ah waxaana saxiixay 22 xubnood waxaa diiday 7 xubnood waxana maqnaa 1 xubin ah.
Liiska odayaasha go’aanka gaaray ee beesha reer Ugaas Guuleed waasidan hoos ku xusan
1- Maxamed Guura Balow ______________________
2- Maxmud Sh Cali ___________________________
3- Shiikh Aadan Cabdi Samatar _____________________
4- Shiikh Maxamed Faarax Muuse ___________________
5- Maxamed Aadan Aw-guuleed __________________
6- Xuseen Aadan Aw-guuleed ____________________
7- Amed Jaamac Jaad (farey) _____________________
8- C/waaxid Faarax Muuse ______________________
9- Maxamed Cabdi Muuse ________________________
10- Deeqow Sh Aadan Guure _______________________
11- Maxamud Maxamed Cali ______________________
12- Xuseen Ugaas Xirsi _________________________
13- Maxamud Ugaas Cumar _______________________
14- C/risaaq Ugaas Cumar _________________________
15- Ibraahin C/laahi Jaamac ________________________
16- Farxaan C/wali Muxumed ______________________
17- Axmed Ugaas Cumar _______________________
18- Cismaan Axmed Diiriye ________________________
19- Maxamud Aadan Aw-guuleed ___________________
20- Aadan Faarax Muuse __________________________
21- Shiikh Saadaq Sh Daahir __________________________
22- Fitaax Sh Daahir _____________________________
Saxiixa Gudiga Siihaynayo Xilka Nabadoonka .
Siihayaha Xilka Nabadoonimada Beesha Reer Ugaas Guuleed
Ibraahim C/laahi Jaamac Jaad ______________________
Deeqow Sh Adan Guure (xubin)_____________________
C/waxid Faarax Muuse (xubin)_____________________
Warqada originalka ee ay saxiixeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com