Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Oo La Sheegay Inuu Shaqeen Doono Habeenki.

0

GaroonkaMuqdisho (AGGM): kadib markii ay dhawaan xukuumada Soomaaliya sheegtay in xiyaaradihii caalamiga aheyd laga qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayeey isku raaceen xubnaha gollaha wasiirrada in xiliyada habeenkii uu si toos ah u shaqo galo garoonka.
Bilihii ugu danbeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn mashuul u ahaa iyadoo ka shaqo billaabeen 22 sano kadib duulimaadyo caalami ah, waxaana dhawaan si rasmi ah uga shaqo bilaawday garoonka shirka Air Uganda.
Wasiirrka warfaafinta xukuumada Soomaaliy ayaa  sheegay in xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya isku afgarteen in la shaqo galiyo garoonka xiliyada habeenkii si markaa ay fursad ugu hellaan dulimaadyada caalamiga.
”Waxaa leysku raacay in garoonka diyaaradaha uu shaqeeyo xiligan habeenkii, iyadoo la soo dhameystirayo dhamaan wixii agab ah ee looga baahan yahay si markaa uu u shaqo galo habeenkii, waxaana siweyn loo adkeenayaa amniga garoonka,” ayuu yiri wasiirrka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa inta badan shaqeyn xiliyada danbe ee habeenkii sida garoomada kale dalalka dariska ah, waxaana muuqata in xukuumadu xoogga saareyso sidii uu garoonku u shaqo gali lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com