AKHRISO;- RW Xamse oo sheegay in degaannadii laga saaray Alshabaab Ciidamo Boolis ah la geynayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay munaasabad casho ah oo Taliyaha Ciidanka Boolisku u sameeyey ka qayb galayaashii shirka Amniga Qaranka gaar ahaan Booliska, ayuu ka sheegay in Xukuumadda ka go’antahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey Alshabaab

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiinWeerarada ka imaanaya Alshabaab , sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga .

Ugu dambeeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.