AKHRISO:- Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS oo shir uga qayb galaya dalka Zambiya

0

Ra’iisal wasaaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu Hogaamaniyo ayaa shir uga qayb galaya dalka Caasimada dalka Zambiya

Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu Hogaaaminayo ayaa ka qayb galaya shirka 22aad ee COMESA.

Qoraal kooban uu Ra’isal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac soo bariisa Face buuga ayuu uga war bixiyay shirka uu uga qayb galayo dalka zambiya waxana uu yiri’.

‘’Waxa aan aniga iyo wefti aan hoggaaminayo soo gaarnay Magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia oo oo maanta ka furmaya doono shir-madaxeedka 22aad ee COMESA ayuu yiri SaalaxAxmed Jaamac.

COMESA oo ah suuq ballaadhan ahna midka guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa madashiisan 22aad lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan qaaradda.

Waxa aan ka mahad-naqayaa soo dhawaynta diirran ee ay aniga iyo weftigaygaba noo sameeyeen shacabka iyo dawladda Zambia ayuu sidoo kale hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Ra’iisal Wasaareku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya SaalaxAxmed Jaamac.